Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo geeriyooday

Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday dalka Canada oo uu mudooyinkan ku noolaa.

Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Somalia.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Allaha u naxariisto Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo ku geeriyooday dalka Canada, qabrigana Allaha u waasiciyo marxuumka, marti la jecelyahayna Allaha ka dhigo. Eheladii, asxaabtii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ku geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kooban oo tacsi ah soo dhigay bartiisa facebook.

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Gen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi u magacaabay xilka abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, isagoo ka qeyb qaatay dagaalado badan oo Al-shabaab looga saaray degaano iyo howlaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -