Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo Jabuuti kula kulmay safiiradda Saddex dal

Madaxweynaha  Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee uu ku joogay dalka Djibouti ayaa waxa uu kulan quraac ah la yeeshay Safiirrada dalalka Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Kulanka ayay ujeedadiisu ahayd is xog-warreysi guud oo la xidhiidha Xaaladda Gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay.Madaxweynaha  Somaliland waxa uu Danjirayaasha Waddamada Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska si gaar ah ugala hadlay arrimaha ay ka mid yihiin:

Ka wada shaqaynta arrimaha Amniga Gobolka iyo xoojinta iskaashiga xasiloonida Geeska Afrika iyo xallinta khilaafaadka ka jira Gobolka, isaga oo sheegay in ay Somaliland door muhiim ah ku leedahay arrimaha Amniga iyo Xasiloonida Gobolka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Gobolka Geeska Afrika u leedahay in la iska kaashado Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha  Somaliland waxa uu saddexda Danjire kala hadlay horumarinta dhaqaalaha Gobolka, fursadaha maalgashiga, fududaynta ganacsiga, iyo kobcinta mashaariicda kaabayaasha, iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo.

Madaxweynaha  Somaliland waxa uu Danjireyaasha saddexdan dal ku bogaadiyey xidhiidhka iyo wada shaqaynta ay dalalkoodu la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Waddammada Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska oo iyagu Safiiro /Wakiilo ku leh Somaliland, isaga oo Dawladda Faransiiskana ku boorriyey in ay Somaliland ka furtaan Xafiis /Safaarad.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo kulan Xasaasi ah la qaatay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Ibraahim Maxamed oo Shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade

Ukraine oo shaacisay Khasaaraha dhimasho iyo midka Milatari ay gaarsiiyeen Ruushka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---