Ciidamo cusub oo caawa la wareegay Amaanka xarunta Baarlamaanka iyo Sababta ka dambeysa

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in caawa ciidamo cusub oo katirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ciidamo kale oo kamid ah kuwa xasilinta goordhaw la wareegeen amaanka xarunta golaha Shacabka.

Amaanka xarunta golaha Shacabka waxaa horey gacanta ugu hayay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, waxaana hada xaruntaasi amaankeeda la wareegay ciidamada koofiya casta iyo ciidamada Xasilinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadan la wareegay xarunta Baarlamaanka lagu amray in aan la gali karin xarunta, waxa ayna ciidamadan isku dayayaan in ay hor istaagaan in Xildhibaanada Baarlamaanka beri ku shiraan xarunta Golaha shacabka.

Xiisada u dhaxeysa Baarlamaaanka federaalka Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay saacadihii lasoo dhaafay, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka u kala jabeen labo garab kuwa Mooshin ka gudbiyay Gudoomiye Jawaari iyo kuwa taageesan Gudoomiyaha.

Xarunta Golaha Shacabka ayaa laga cabsi qabaa in fowdo ka dhacdo hadii ay beri ku shiraan Xildhibaamada iska soo horjeeda, waxaana socda dadaalo dowlada ku dooneyso in kulanka Baarlamaanka ee beri la baajiyo.

In ka badan 100-Xildhibaan ayaa Mooshin ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari, Gudoomiyaha ayana dhankiisa sheegay in mooshinkii laga keenay uu fashilmay kadib markii Xildhibaano horey u saxiixay ay dib uga laabteen.

Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Cabdiweli Muudey ayaa dhankiisa sheegay in sharci yahay mooshinka laga keenay Jawaari waxa uuna Muudey sheegay in Xildhibaanada guda gali doonaan kadoodista mooshinka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha xiisadan Siyaasadeed kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -