Maxkamad amartay in lasoo xiro Haweeney la dhalatay Maxamed Bin Salman

Maxkamada dalka France ayaa la sheegay inay soo saartay amar booliiska dalkaasi lagu farayo in lasoo qabto Gabar la dhalatay Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga oo loo heysto jirdil loo geystay nin u shaqeenayey.

Dacwadan ayaa soo bilaabatay sanadkii 2016, xiligaasi oo la sheegay in Princess Hassa bint Salman oo la dhalatay Maxamed Bin Salmaan ay illaaladeeda ku amartay inay jirdilaan nin ka shaqeenayey guri ay ku leedahay magaalada Paris ee caasimada dalka France.

Ninka Shaqaalaha ah ayaa jirdil xun kala kulmay illaalada khaaska ah ee Princess Hassa bint Salman, kadib markii uu sawir ka qaaday mid kamid ah qolalka gurigaasi oo ah halka uu shaqada ka waday.

Princess Hassa bint Salman ayaa la sheegay inay ka carootay sawirka uu ninkaasi ka qaadey qeyb kamid ah gurigeeda, waxayna amar ku siisay illaaladeeda inay ninkaasi dilaan.

“…Dila Eygan xun, ma istaahilo inuu sii noolaado…” ayey tiri Princess Hassa bint Salman oo ah walaasha ka weyn Maxamed Bin Salmaan. Waxayna ku eedaysay in ninkaasi fuundiga ah doonayey in sawirada hoygeeda Paris uu ka iibiyo warbaahinta France.

Illaalada haweenaydan ayaa jirdil xun u geystay ninkaasi oo ay ka qaateen dhamaan qalabkii uu sitay, waxay sidoo kale jirdil ku wadeen muddo saacado ah iyagoo markii danbena ku khasbay ninkaasi shacabka inuu dhunkada ama shumiyo lugaha haweenaydaasi amiirada ah si loo sii daayo.

Maxkamada France ayaa sidoo kale dhagesaneysa dacwado kala duwan oo lagu soo oogay illaalada Princess Hassa, waxaana kamid ah dacwada, jirdil, dhac, hanjabaad iyo xabsi sharci daro ah oo ay geliyeen ninka dhibanaha ah.

Dacwada ayaa hada lagu soo oogay Princess Hassa oo loo heysto inay iyadu bixisay amarka danbiyadaasi ku dhaceen.

Arrintan ayaa laga yaabaa inay carqaladeyso xiriirka dowlada France iyo Maxamed Bin Salmaanka ka taliya Sacuudiga oo dhawaan la filayo inuu booqasho rasmi ah ku yimaado dalka France.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -