Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay sadex nin (Akhriso Magacyada)

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Kamsuuma oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku toogtay sadex nin oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Fagaaraha Xukunka dilka ah lagula fulimayay sadexda nin ayaa waxaa isiugu soo baxay dadweyne badan oo degan Kamsuuma iyo sidoo kale saraakiil iyo dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab oo ka hadlay fagaaraha xukunka dilka ah lagu fulinayay ayaa sheegay in sadexda nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay katirsanaayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland .

Saddexda Ruux ee Al-Shabaab toogteen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Bashiir Cabdow Cali & Maadeey Cali Maamow oo ka tirsanaa Ciidanka Millateriga Soomaaliya iyo  Cabdirashiid Shukri Sheekh Cabdi oo ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland.

Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay rag ay ku eedeesayt in ay katirsanaayeen ciidanka dowlada iyo kuwa maamulada hoostaga DF iyo dad kale ay ku eedeyeen in ay basaasiin ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tartan Ciyaareed loogu Mahad celinayey Wasiir Cali Dhuux oo Baydhabo lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Cabsidii ugu xooganeed oo ka taagan Muqdisho iyo Shacabka oo wadnaha farta ku haya

Cabdi Cade

Yaa awood badan Ciidamada Turkiga iyo Masar hadii ay dagaalamaan (Is barbardhig )

Cabdi Cade
Taboola Ads ---