Lacagta ku baxday iyo dowlada laga iibiyay dhismaha Safaarada Somalia ee Mareykanka oo la shaaciyay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaarada Soomaaliya ka iibsatay magaalada Washignton ee caasimada dalka Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Belye oo kamid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay munaasabada xariga looga jarayay safaarada ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda laga bixiyay lacag dhan $4.3 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Dhismaha Safaarada cusub ee Soomaaliya ku yeelatay magaalada Washignton ayaa kuyaala goob istaraatiiji ah oo ay kuyaalaan dhismayaal safaaradeed , dhismahan ayaana ka kooban sadex dabaq.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhismahan laga iibiyay dowlada Colombia oo iyadu laheyd, waxa uuna cadeeyay lacagta laga bixiyay dhismaha safaarada ay tahay mid laga jaray miisaaniyada dowlada ee sanadkan 2019-ka.

Dowlada Soomaaliya ayaa kiro ahaan ugu jirta dhismayaal ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah safaaradaha ay ku leedahay dalalka caalamka, waxaana talaabadan dowlada ku iibsatay safaarada cusub soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -