Wasiir Beyle oo shuruud ku xiray bixinta Lacag uu horey u amray Ra’isul Wasaare Kheyre

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shuruud ku xiray bixinta lacag gaareysa Haaf milyan dollar oo loogu tala galay wax in wax looga qabto fatahaada degmada Afgooye.

Lacagtan ayaa waxaa amar ku bixiyay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre , waxa uuna Wasiirka faray in lacagtaasi si deg deg ah ku bixiyo si wax looga qabto xaalada adag ee ka taagan qeybo kamid ah degmada Afgooye.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan gaareysa Haaf milya dollar aysan bixin doonin haddii aan la helin hanaan cad oo looga hortagi karo in lacagtaasi la musuq maasuqo.

Waxa uu sheegay wasiirka maaliyadda in loo baahan yahay in la helo guddiyo ka shaqeeya arimaha gar gaarka degmada Afgooye iyo maamulka Koonfur Galbeed oo aamin ah si lacagtaasi loogu wareejiyo .

Lacagta loogu tala galay gurmadka degmada Afgooye ay saameyn xoogan ku yeelatay fataahada degmada Afgooye ayaa laga cabsi qabaa in la musuq maasuqo kuna dhacdo jeebka shaqsiyaad gaar ah halkii lagu caawin lahaa ddaka u baahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -