War Deg Deg :Jawaari oo ka hadlay Mooshinka laga keenay iyo cida gadaal ka riixeysa

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goordhaw shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxa uuna Jawaari ka hadlay mooshinkii laga keenay iyo cida ka dambeysa.

Jawaari ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya gadaal ka riixeyso mooshinka ay isaga ka keeneen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka, waxa uuna intaa raaciyay in waxa loo socda uusan isagu aheyn balse la doonayo in meesha laga saaro awooda Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaaka  ayaa sheegay in sababta xiligan mooshinka looga keenay ay salka ku heyso arimo uu diiday in uu saxiixo oo dhibaato ku ahaa nidaamka, mabda’a iyo ammaanada ay shacabka u dhiibteen.

” Waxa loo socdo maahan aniga Jawaari ah balse waxaa loo socdaa in Baarlamaanka laga dhigo kii 8-aad oo kale,waxaana mooshinkan in la keeno sabab u ahaa arimo aan diiday in aan saxiixo oo dhibaato nagu ahaa ” Ayuu yiri Jawaari.

Waxa uu sheegay Jawaari in Mooshinkii isaga laga keenay uu buray  sida sharciga ah balse uu raali ka yahay si danta baarlamaanka iyo wadajirkooda loo ilaaliyo in dib loo soo celiyo mooshinka lana horgeeyo Baarlamaanka si cod loogu qaado.

Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka balse uusan shir gudoomin karin kulamada Baarlamaanka maadaama uu mooshin ka yaalo sida uu tilmaamay.

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaanada ay u kala jabeen labo garab kuwa mooshin ka wada Jawaari iyo kuwa isaga taageersan kana soo horjeeda mooshinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -