Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Al-Shabaab ay qeybo ka mid ah Muqdisho ka mamnuucday ciyaarta Kubada Cagta?

Al-Shabaab ayaa soo saartay amar ay qeybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho uga mamnuuceen Ciyaarta Kubadda Cagta.

Milkiiliyaasha garoomada iyo qaar ka mid ah dadka xaafadaha waqooyi ee gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in amarkan lala wadaagay dadka iska leh Garoomada Salaxa ee lagu Ciyaaro Kubadda Cagta kuwaasoo dhaqan geliyay amarkii Al-Shabaab.

Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa ugu badan xaafadaha laga mamnuucay Ciyaarta Kubadda Cagta waxaana fariintaan lala wadaagay oo kaliya milkiilayaasha Goormada Salaxa ee degmooyinka aan soo sheegnay.

Al-Shabaab ayaa dadka iska leh Garoomada Kubadda qaarkood la kulmay iyagoo ku qanciyay inaysan ka hor imaanin go’aanka ka soo baxay ayna raadsadaan badalka ganacsi kale waxayna go’aankooda u cuskadeen iney sharci darro tahay Ciyaartan lagana keenay dhaqamo shisheeye.

Kulanka Al-Shabaab iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada garoomada ayaa ka dhacay Degmada Toora-toorow ee gobalka Shabeelaha Hoose sida ay sheegayn ilo lagu Kalsoon yahay.

Amarka Al-Shabaab ayaa saameeyay wax ka badan ilaa 20 Garoomo yar yar oo ku yaalla Yaaqshiid, Kaaraan iyo degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir iyo boqolaal dhalinyaro ah oo garoomadaas ku ciyaari jiray

Magaalada Muqdisho waxaa si buuxda gacanta ugu haayo Dowladda Soomaaliya balse dad badan ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay saameyn ku leeyihiin Xaafadaha waqooyi ee gobalka Banaadir, iyadoo dowlada lagu dhaliilo iney xoogga saarto amaanka degmooyin kooban oo ay degan yihiin madaxdeeda kuna yaalaan heyadaha muhiimka ah ee dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Ururka 164 ee Danab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Aboorey

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhul-gariir caawa ka dhacay dal kuyaala Geeska Afrika

Cabdi Cade

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray umadda Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---