Al Shabaab oo soo bandhigtay askar la sheegay in ay kasoo goosteen ciidanka dowlada 

Ururka Al Shabaab ayaa deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo waxa ay kusoo bandhigeen askar la sheegay in ay katirsanaayeen ciidanka Dowlada Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo.

Saraakiil katirsan Al Shabaab ayaa warbaahintooda u sheegay in lix askari oo katirsanaa ciidanka dowlada ee ku sugan degmada Gabrahaarey in ay isku dhiibeen dagaalyayanada Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Ceel Cadde.

Al Shabaab wali masoo bandhigin muuqaalka iyo magacyada Ciidamadan ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhinaca dowlada , mana jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowlada ee ku sugan gobolka Gedo ayaan dhankooda wali ka hadlin askartan la sheegay in dhankooda ka goosteen kuna biiray dhinaca kooxda Al Shabaab .

Al Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay ka taliyaan kusoo bandhigay askar ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhinaca dowlada iyo maamul goboleedyada hoos taga dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -