Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii Ururka 164 ee Danab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Aboorey

Taliyihi Ururka 164_aad Ciidanka Kumandooska Danab L/Xidigle Asad Cismaan Afrax ayaa ku shahiiday dagaalkii ka dhacay  deegaanka Aboorey ee gobolka hiiraan.

Taliyaha iyo ciidamo uu watay ayaa u daatay godad ay kooxdu ka qodotay duleedka magaaladda ay isku daydo in ay hor istaagto ciidanka qaranka. Taliyaha sidaasi ku qaatay shahaadada waxa uuna meesha ka saaray malayshiyaadki

Degaanka Aboorey ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal qaraar oo u dhexeeya ciidamada DF & Macawisley oo hal dhinac ah & Al Shabaab isku urursanayey degaankaas.

Khasaare xoogan ayaa ka dhashay dagaalka oo saacado badan socday, iyadoo dagaalka ay markii hore qaadeen ciidamada huwanta oo weeraray Al shabaab degaanka Aboorey soo buuxiyey.

Meydad badan oo ka tirsan Al shabaab ayaa la sheegay inuu daadsan yahay dhulka howdka ah ee degaanka kuwaasoo lagu laayey dagaalka maanta.

Dhinaca kale, Gurmadkii ugu badnaa oo ka baxay degmada Aadan yabaal ee iskugu jiro ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo macawisleyda abgaal ayaa gaaray duleedka deegaanka Aboorey si ay garab u siiyaan saaxiibadood halkaas ka dagaalamaya.

 

Related posts

Tahriinayaal lagu laayey xadka ay wadaagaan dalalka Sacuudiga & Yemen

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo kulamo xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Ankara

Caydiid Ali

Xasan Shiikh & Xisbigiisa cusub oo wacdaro Siyaasadeed ka dhigay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---