Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka & Xuutiyiinta oo gaaray xabad Joojin

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in dalkiisu uu joojiyey duqaymihii uu ka fulineyey Yemen, kadib markii sida uu ku dooday ay Xuutiyiintu aqbaleen heshiis ah in aanay weerari doonin maraakiibta ganacsiga ee isticmaalaya Badda Cas.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Donald Trump ka sheegay kulan uu Washington kula yeeshay Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Canada oo Maraykanka booqday, balse ma jiro war arrintaasi xaqiijinaya oo ka soo baxay dhinaca Xuutiyiinta Yemen.

“Xuutiyiintu waxay nagu yiraahdeen inaysan mar dambe doonayn dagaal, waana war wanaagsan. Waxaan si degdeg ah u joojin doonaa duqeymaha cirka ee Yemen. Waxaan aqbalay hadalka Xuutiyiinta ee ah inay joojinayaan weerarradooda, sidaas darteed waxaan go’aansanay inaan si degdeg ah u joojino duqeymaheenna. Xuutiyiintu hadda ma doonayaan dagaal. Wali heshiis lama gaarin Xuutiyiinta, laakiin waxay naga codsadeen in la joojiyo duqeynta” ayuu yiri Trump.

Maraykanka ayaa bishii March ee sanandkan 2025 bilaabay duqaymaha Yemen, waxayna khubarada millatarigu sheegeen in duqaymahaasi aanay wax saamayn ah ku yeelan awoodaha Xuutiyiinta.

Dhinaca kale, Dowladda Cumaan ayaa iyana shaacisay caawa inay dhexdhexaadin ka dhex sameysay Mareykanka iyo Xuutiyiinta, waxaana soo baxaya inay labadooda ku heshiiyeen iney weerarada joojiyaan.

Xuutiga waxaa u hiilinaya Juquraafi ahaan halka ay Yemen ku taalo, Mareykankana wuxuu u muuqanayaa inuu qiimeeyay malaayiinta doolar ee kaga baxeyso weerarada ka dhanka ah Xuutiga Yemen.

Heshiiska ayaa noqonaya in Mareykanka iyo Xuutiga kaliya is fahmeen, oo xuutiga uu sii wadayo dagaalka Israel, sida ku cad qoraalka Dowladda Cumaan.

“Labada dhinac midkoodna ma beegsan doono kan kale, oo ay ku jiraan maraakiibta Maraykanka ee ku sugan badda cas iyo Bab al-Mandab ” Cuman ayaa sidaas ku sheegtay bayaankeeda.

Maxamed Cali Alxuuti oo ah Xubin ka tirsan Golaha Sare ee Siyaasadda ee Xuutiyiinta Yaman, ayaa goor-dhow sheegay in madaxweyne Trump uu garwaaqsaday in dagaal uusan waxba ku qaadeyn

“Waxaan qiimeyn doonnaa ku dhawaaqista rasmiga ah ee Madaxweyne Donald Trump ee ah joojinta gardarradda ka dhanka ah dalkan Yemen oo ay ugu horreyso in si ficil ah looga arko Xabad joojinta fagaaraha” ayuu yiri

 

Related posts

Dowlad Afrikaan ah oo loogu deeqay lacag dhan 127 Milyan dollar oo loogu tala galay…

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo kulan isla xisaabtan la qaatay hoggaan ciidan (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Liido iyo Taliye Xijaar & Xildhibaano ku sugnaa Hotelka la weeraray oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---