Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Madaxweyne Ciro kala hadlay wakiilka Itoobiya?

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)  ayaa maanta Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wakiilka Dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito.

Waxaa kulankan goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan

Labada dhinac waxay caddeeyeen inay ka go’an tahay sii xoojinta arrimaha diblomaasiyadda iyo joogtaynta kulanno wax tar u leh labada dhinacba sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

“Ugu dambayntii, labada dhinac waxa kale oo ay ka wada hadleen in laga wada shaqeeyo arrimaha xagga socdaalka iyo isu-socodka bulshada. Kulanku waxa uu ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Itoobiya & Somaliland ayaa ku fashilmay iney fuliyaan heshiis is afgarad ah oo ay ku kala saxiixdeen Addis ababa sanad iyo bar ka hor kaasoo dhigayey in Itoobiya dhul badeed la siiyo, iyadoo looga bedelanayo aqoonsi ka dib  markii ay ka soo horjeesatay DF.

Related posts

Weerar ka dhacay degaanka Xamar-Jadiid ee degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho !!

admin

Israa’iil oo ugu dambeyn heshiis xabad joojin ah la gaartay kooxda Xamaas

Caydiid Ali

Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo tagay Deegaanka Qaayib ee saakay la weeraray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---