Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, oo ay wehliyaan Safiirka OIC, Safiir ku xigeenka Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya iyo wakiilo ka socdey hey’adda King Salman ayaa maanta si rasmi ah u sagootiyey gabdho mataano ah oo ku dhashay iyaga oo isku dhagan, si loogu qaado dibadda, halkaasoo loogu sameyn doono qalliin muhiim ah oo lagu kala saarayo.
Wasiirka ayaa sheegey in dadaal dheeri ah lagu bixin doono kala badbaadinta Carruurtan Soomaaliyeed,waxa uuna rajo fiican ka muujiyey dadaallada ballaaran ee lagu helayo daryeel Caafimaad oo casri ah
Waxaa uu u mahadceliyey Dowladda Sacuudi Carabiya oo mas’uul ka noqotay deeqdan Caafimaad, tallaabadan ayaa noqoneysa astaan cad oo muujinaysa xiriirka wanaagsan iyo iskaashiga walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.
Wasiirka ayaa Alle uga baryey in qallinka lagu sameyn doono uu guuleysto, si gabdhahan mataanaha ah ay ugu helaan fursad nololeed oo caafimaad leh iyo mustaqbal wanaagsan.