Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray umadda Soomaaliyeed

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa hambalyo ku aadan Munaasabada Ciidul Adxaa waxa uu u diray Umada Islaamka gaar ahaan Umada Soomaaliyeed meel kasta ay dunida ka joogaan.

“ Ciid wanaagsan ayaa leeyahay Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, Alle waxaan ka baryeynaa ciidan ciida xigta inuu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay noqdaan kuwa is gargaara, waxa uuna ugu baaqay dadka wax heesta in ay caawiyaan walaalahooda abaaraha saameenta ku yeesheen.

‘’Aniga oo ka faa’iideesanaya Munaasabada Ciida waxaan ugu baaqayaa umada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay caawiyaan walaalahooda abaarta saameesay ee ku tabaaleesan qaar kamid ah gobolada dalka .” Ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi.

Ugu Dambeyn Ugaaska ayaa ugu baaqay madaxda cusub ee dalka in ay ka shaqeeyaan xasiloonida dalka iyo sidii loo soo dhisi lahaa xukuumad cusub oo dalka ka saarta xaalada adag .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -