C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay heshiiskii Berbera, kana digay in la hor istaago horumarka Somaliland

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada Somalia ee ku xiran dowlada Imaaraatka Carabta ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska dowladaha Imaaraadka, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ku qeybsadeen saamiga maalgeshiga dekeda Berbera.

Heshiiskan oo muran badan dhaliyey ayaa waxaa horey uga soo horjeestay dowlada federaalka Somalia oo cadeysay inuu yahay mid sharci daro ah oo ka dhan ah madax banaanida Somalia.

Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/shakuur oo looga hadlay heshiiskan ayuu ku sheegay iney qalad tahay in la hor istaago horumarka Somaliland isagoo arintaas u cuskaday heshiisyo ay horey u gaareen dalalka daneeya arrimaha Somalia.

“Ma aha in la hor istaago horumarka Somaliland Dawlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa horay ugu heshiiyey the Somali Combat oo New Deal kii lagu saxiixay Brussels 2013 in macaamil gaar ah la siiyo mashaariicda horumarinta Somaliland (The Somaliland Special Arrangement)” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/shakuur.

Siyaasigan oo qiil u sameynaya saamiga Itoobiya laga siiyey dekeda Berbera ayaa sheegay iney jiraan mashaariic noocan ah oo laga fulayey geeska afrika kuwaasoo saamigooda ay wax ku yeesheen dalal badan.

“Horay ayaa mashruuc kan la mid ah Gobolka hirgelintiisa looga bilaabay, The Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (LAPSSET). Waxaa shirko ku ahaa Dawladaha Kenya, Suudaanta Koonfureed, Uganda, Iyo Itoobiya. Mashruuca ayaa isugu jiray Dekado, dhuumo shidaal, wadooyin, iyo jidad tareeno. Mashruucan oo balaayiin dollar ku kacaya ayey dawlada Kenya saamiyadiisa u furtay dawladaha ka qayb gelaya iyo shirkadda gaarka loo leeyahay ee gudaha Kenya iyo Dibadiisaba. Sidaas daraadeed waa laga maarmaam in saamiga maalgashiga uu ku ekaado maamulka, koontaroolka iyo faa’iidada mashruuca, laakiin la xaqiijiyo milkiyada iyo lahaanshaha dadka iyo dawlada Soomaaliya” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/shakuur.

Dekedaha, Saldhigyada Milateri iyo Shidaal Raadinta ee Soomaaliya laga doonayo ayuu sheegay inay qayb ka yihiin loolanka Joqraafi Siyaasadeed (Geopolitics) ee Gobolka ka socda, wuxuuna xusay Dawlada Soomaaliya laga doonayo inay ilaaliso madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, dhowrtana danta shacabka iyo maslaxada dalka, maareysana danaha is diidan ee shisheeyaha dalkeena ka leeyihiin.

“Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya waa in ay ilaaliyaan xeerarka Caalamiga iyo Axdiga Qaramada Midoobay u yaala ee dhigaya in la ixtiraamo madaxbanaanida Qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhulkiisa, mana jirto cid laga yeelayo ama looga haybaysanayo xadgudubka Qaranimada Soomaaliya” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur sida ku xusan qoraalkiisa.

Siyaasigan ayaa sida muuqata qoraalkiisa ku cadeynin inuu taageersan yahay mowqifka dowlada Somalia ku diiday  heshiiska Berbera, iyadoo dhinaca kale hadaladiisa laga dhadhansan karo taageerada uu heshiiskaas u hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -