Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo u safray dal aan xiriir wanaagsan xiligan la laheyn Dowlada Soomaaliya 

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safarkii ugu horeeyay ee dibadda ah ugu baxay  dalka isku taga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa garoonka diyaaradaha kasii sagootiyay masuuliyiin katirsan maamulka Puntland , waxaana xubnaha Madaweynaha Puntland safarka ku wehliya kamid ah Wasiiro iyo xubno kale oo Madaxweynaha ku dhaw dhaw.

Madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa in dalka Imaaraadka Carabta kula kulmaan Madax katirsan dowlada Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Madaxda Shirkada DP World ee la wareegtay maamulka Dekadda Boosaaso.

Safarka Madaxweynaha Puntland ku aaday dalka Imaaraadka Carabta ayaa kusoo aadaya xili uusan wali wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlada Imaaraadka Carabta.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa inta badan safaro aysan dowlada federaalka ka warqabin ku taga qaar kamid ah wadamada caalamka ay ku jiraan kuwa aysan dowlada Federaalka xiriir wanaagsan la laheyn .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo fasaxday lacagtii laga xanibay Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali

Dowlada Qadar oo safiir aan caadi aheyn u soo Magacawday Soomaaliya

Caydiid Ali

(Wareegto) Cali Guudlaawe oo xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka Daraawiishta Hirshabelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---