Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Qadar oo safiir aan caadi aheyn u soo Magacawday Soomaaliya

Amiirka dalka Qatar ayaa Safiir u soo magacaabay Soomaaliya, kaasoo dalkaasi uga wakiil noqon doona Soomaaliya.

Wareegto maanta kasoo baxday Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-thaniĀ  ayaa loogu magacaabay Xasan Xamza Asad Haashim inuu noqdo safiir aan caadi ahayn oo dalka Qatar u qaabilsanaan doona Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaraarkan Ā ayaa dhaqan galay maanta oo la soo saaray, wuxuuna Ā ku soo beegmayaa iyadoo dhowaan la filayo inuu Madaxweynaha Soomaaliya Ā safar rasmi ah ku tago dalka Qatar.

Qatar ayaa ka mida dalalka Khaliijka ee ku loolamaya xaaladda Ā Soomaaliya, waxaana dhowaan xumaaday xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya, kadib markii shirkadda DP World ay heshiiska dekadda Berbera ka soo horjeesatay.

Safiirka aan caadiga ahayn (Ambassador Extraordinary) ayaa ah mid awood badan oo xaq u leh inuu heshiisyo ku geli karo magaca dowladda uu metelayo, wuxuuna awood ahaan ka sareeyaa safiirada caadiga ah ee dalalkooda u fadhiya dowlaha kale.

Ma jirin wax safiir ah oo dowlada Qatar ka joogay Soomaaliya, marka laga reebo diblomaasi arrimo fuliye ah oo u joogay Muqdisho sanadahan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo diiday dalab xasaasi ah oo ka yimid dowlada Somalia

Caydiid Ali

Nabadoon caawa lagu dilay Kismaayo & Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay

Caydiid Ali

Nin Madaxweyne Caan ah ka sameeyay Muuqaal Aroos Been Abuur ah oo dacwad lagu soo oogay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---