Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoosyada Bakaaraha iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Masjidka Biimaalow.

Qaraxan ayaa la dhigay laamiga dhinaciia gaar ahaan goob dhagxaan yaalaan, lamana oga ilaa hada qaraxan cida lala eegtay, hasa ahaatee waxa uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa sida goobjoogayaal noo sheegeen.

Inta la xaqiijiyay sadex qof oo shacab ah ayaa dhaaacyo fudud kasoo gaareen qaraxan miino, waxaana qaraxa kadib goobta soo gaaray ciidamo booliis ah oo ku sugnaa saldhiga degmada Howl wadaag oon ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada loo adeegsado miinooyinka wadada dhinaca lagu aaso ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana labadii maalin ee lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay qaraxyo miino oo dad shacab ah khasaaro kasoo gaaray.

Magaalada Muqdisho qaar badan oo kamid ah wadooyinkooda ayaa xiran waxaana ka howlgalaya ciidamo badan oo booliis ah, waxaana wali qeybo magaalada kamid ah ka dhacaya qaraxyo waxyeelo ay inta badan kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -