Rakaab Difaacay Wiil si qasab ah Soomaaliya loogu soo musaafurin lahaa ( Sawirro iyo Muuqaal)

Nin Soomaali ah oo laga tarxiilayey Ingiriiska ayaa si mugleh waxaa uga falceliyey rakaabka diyaarad la sarnaa oo ka horjoogsadey sarakiisha socdaalka in ay tarxiilan.

Rakaabkii diyaaradda la socday ay ku qasbay sarakiisha in ay sii dayaan wilkan oo mudo 10 sano ka hor kufsi ka geystey dalka ingiriska oo lagu wadey in Ingiriska laga masafuriyo.

Saraakiishii laanta socdaalka  ee la socotey Yaqub Axmed xili ay ka  ambabaxayeen Heathrow  ka hor inta aysan diyaaradda u ambabixin ilaa Turkiga ayaa waxaa lagu khasbay in ay ka tanaasulaan masaafurintiisa oo ay iska ilobaan.

Rakaabka diyaaradda sarna oo u badnaa dalxiisayaa ku sii jeeday turkiga oo ka qalbi xumadey sidaa lola dhaqmaayo wilkan ayaa mujiyey dareenkooda ah in ay diyaarad la raci kareyn qof masafuris ah oo ay ugu dambeyntii buq badan ay ku qasbeen sarakiisha in laga reebo diiyaaradda wilkan.

Hal mar marxaladii waxaay isku badashay buuq iyo sawaxan qabsadey diyaaradda qof ka tirsan rakaabka ayaa la soo baxaay telefoonka gacanta kadibna waaxaa uu bilaabey in uu sii toos ah uu tabiyo, shicibka diyaaradda saaran qof ka mid ah ayaa ka cawday oo ku qeyliyey Waa in uu ka daggaa Diyaarad nama raaci karo qof la qasbaayo oo yiri,

Sidoo kale qof kale oo ka tirsana rakaabka ayaa isna yirii ‘Waxaay ka dheereynayaan qoyskiisa, qoyskiisana halkan dalka ayey degen yihiin’, halka qaar kalena ay ku dhawaaqeen ‘ka saar diyaaradda oo dejiyaa’.

Markii la caburiyey oo buq iyo qeylo lagu wareeriyey ilaalada ammaanka ee la socotey ayey waxaay go’aansadeen in 29-sano jir Axmed laga reebo duullimaadkii Turkish Airlines, waxaa loo arkayey isaga oo uu mahad celinayaan rakabka diyaaradda tageeradooda ay uu mujiyeen.

Hal qof ayaa la maqlay isagoo ku dhawaaqaya: ‘Waxaad tahay, nin hor ah Maanta laga bilaabo!’

Axmed ayaa hadda la aaminsan yahay in uu ku jiro xabsi ay gacanta ku hayso laanta socdaalka iyaga oo saraakiisha isku dayayaan in ay ku daraan duulimaad kale oo ay dalkiisa dib ugu celinaayan, laakiin geeddi-socodkaasi wuxuu qaadan karaa bilooyin gaar ahaan haddii qareenadiisa ay ka qaatan rafcaan taa oo keeneysa inuu si ku meel gaar ah u isticmaalo fursad uu kaga dacwoon karo masaafurintiisa.

Waxaa Turjumay Warbixintan: Ali Musa

- Advertisement -