Dowlada Somalia oo fasaxday lacagtii laga xanibay Imaaraadka Carabta

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sii deysay lacag gaareysay 9.6 milyan oo dollar oo bishii April sanadkii 2018-kii ay kala wareegtay Imaaraadka Carabta.

Lacagtaasi oo saarneyd dayuurad ay laheyd Imaaraadka ayaa hey’adaha sirdoonka Soomaaliya ay qabteen, waxaana ayna sabab u noqotay inuu xumaado xiriirkii dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtaasi xilligii ay qabaneysay u sababeysay inay sharci darro ku soo gashay dalka, laakiin Imaaraadka ayaa ku sheegay inay aheyd mid loogu talagalay mushaaraadka ciidan ay dowladda u tababartay iyo gargaar kale.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in lacagtaasi oo taalay bankiga dhexe ee dowladda la sii deyn doono, balse waxaa lagu hakiyay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya.

Lacagtan ayaa la sheegay in maanta uu u qaaday Imaaraadka Ra’isul Wasaare Roble iyo wafdi uu hogaaminayo oo howlo shaqo ugu baxay Imaaraadka.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa la sheegay in lagu fasaxay lacagtaas oo tiilay bankiga dhexe ee Somalia.

- Advertisement -