Xarun ay laheyd Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo mar kale la gubay

Waxaa xalay Duqeyn lagu gubey xaruntii Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ku laheed Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ma jiro waxa khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeynta, waxaase burburay Dhismihii shirkadda & dhammaan Agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, ​BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeelo xoogan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa kadhisnaa iyo Taawarrada Shirkado kale.

Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada.

Ciidanka Kenya waxay Sal dhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud.

Arbacadii lasoo dhaaafay oo ku beegan March 20, 2019 ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen Xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddoo usbuuc ah ay ciidan ka kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad.

Ujeeddada ay ciidanka kenya ka leeyihiin Burburinta xarumaha isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay isgaarsiin la’aan dhigaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee xudduudda u dhow sida: Dhoobley, Beledxaawo & Ceelwaaq.

Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: CaliBuley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -