Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisay lacagta ay bil walbo ku bixiso ciidamada SSC Khaatumo

Xildhibaan ka tirsan guddiga Maaliyadda Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, ayaa shaaciyay miisaaniyadda lacageed ee maamulka Puntland bil kasta ku bixiso mushaarka ay qaataan ciidamada kasoo jeeda deegaannada SSC-khaatumo.

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, ayaa sheegay in Puntland ku bixiso mushaar-siinta ciidamada SSCĀ  bil kasta lacag dhan 1.8 milyan, lacagtaas oo lagu bixiyo xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Khaatumo, oo ka kooban kuwii Puntland u diiwaan-gashanaa iyo kuwii ka soo baxay Somaliland ee la qarameeyay.

“MiisaaniyaddaĀ  Puntland ugu jirta ciidamada SSC-khaatumo intii hore Puntland uga tirsanayd iyo intii la qarameeyay ee ka soo baxay Somaliland, waa 1.8 milyan bil kasta si joogta ah bay uga baxdaa khasnadda Puntland ” ayuu yiri xildhibaan Cabdiqani Dhaashane.

Xildhibaan Dhaashane oo sidoo kale kamid ah garabka muxaafidka ah ee Baarlamaanka ee taageersan Xukuumadda Deni, ayaa dhinaca kale sheegay in aysanĀ  Puntland wax canshuur ah ka qaadin dhammaan agabka ciidan ee dibadda uga yimaada ciidamada SSC-khaatumo, oo ay ku jiraan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee gaashaaman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka iyo UK oo iska kaashanaya wax ka qabashada arrin ka taagan Somalia

Caydiid Ali

Salum Haji Othman oo lagu soo dhoweeyey taliska Ciidanka XDS

Caydiid Ali

Masjid weyn oo loogu magac darayĀ Mid Ka Mid ah Suldaamadii Cismaaniyiinta oo laga dhisay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---