Maal-geshiga Islaamiga ah iyo Muslimiinta kunool dalka Kanada

Shaki kuma jirto in maal-geshiga iyo dhaqaalaha Islaamiga uu sannadihii tagay soo jiitay indhaha caalamka, kana mid noqday mid kamid ah kuwa ugu kobaca fiican caalamka.

Maanta, adduun lacageed oo lagu qaddaray 2 trillion ayay ku fadhiyaan. Waxaana la filayaa inay gaarto $3.8 trillion marka la gaaro sannadka 2023-ka.

Si haddaba loo dhiirri-geliyo kobaca iyo maalgeshiga ku dhisan shareecada Islaamka, laba Muslimiin Kanadian ah ayaa bilaabay Canadian Islamic Wealth si Muslimiinta ku nool dalkaas loogu saacido inay hantidooda ku maal-geshadaan qaab ku dhisan Shareecada.

“Midda ugu adag nolosha maanta waa helidda meel ama hab sugan oo hanti lagu maalgeshado, maalgeshiguna waa inuusan ka dheeraan qofka waxa uu caqiido ahaan u aaminsan yahay,” Jesse Reitberger, oo wax-ka-helay Shirkadda ayaa u sheegay  Wealth Professional.

“Sababtu waxay tahay Islaamku ma oggola in dulsaar iyo ribo wax lagu kala qaato,” ayuu sii raaciyay.

Bangiyada Islaamiga ah ayaa qaban ama bixin wax walba oo lala xiriiriyo qamriga, qamaarka, hubka, aflaamta jinsiga ah, tubaakada iyo hilibka doofaarka.

Reitberger wuxuu ku biiray shirkaddan sannadkii 2013 in yar kahor inta uusan qaadan diinta Islaamka sannadkii 2014-ka.

Waxay isbaheysteen Sheraz Ali iyaga oo helay Canadian Islamic Wealth si ay usoo jiitaan Muslimiinta Kanada.

“Waxaan sidoo kale leenahay macmiil aan Muslimiin ahayn kuwaas oo la dhacsan hab-raaca ay Shareecada Islaamku u dejisay dhaqaalaha iyo maal-geshiga,” ayuu yiri.

Muslimiinta Kanada ku nool waxaa lagu hilaadiyaa inay tirada waddanka ka yihiin 4%.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -