Dayuurad siday Ciidamo milateri ah oo gaartay degmada Guriceel (Daawo Sawirro)

Dayuurad siday Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya, balse qaab Beeleed loo abaabulay ayaa ka ambabaxday magaalada Muqdisho iyagoo gaaray gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doona howlgallada Al-Shabaab looga saarayo degmada Ceelbuur & degaannada Galhareeri & Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Waxaa Muqdisho ka sagootiyay ciidankan Wasiirka Cadaaladda Xassan Macalin, waxaana la socda Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, & Mas’uuliyiin kale.

“Waxaan maanta gaarnay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, Ujeedka safarkeyna ayaa ahaa dib u dajinta Ciidamada Dib Xoreynta Deegaanada Ceelbuur & Galhareeri. Ciidamadan ayaa dhawaan u ruqaansan doona dib xoreeynta degaanada, Waxaan u rajeynaa guulal miro dhal ah, aniga oo ku kalsoon dhiiranaantooda, Rabi ha idin la garab galo” ayuu yiri xildhibaan mustaf Dhuxulow

Magaalada Muqdisho waxaa horey diyaaardo looga qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasoo la geeyay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyagoo uga sii gudbaya Gobolka Galgaduud degaano ka mid ah oo ay duulaan ku yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -