Allbanaadir.com
NEWS

Rag dil iyo dhac ka geystay degmada dayniile oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska saldhigga degmada Dayniile, ayaa ku guuleestay iney soo xiraan rag lagu tuhmayo dilka iyo dhacii habeen hore ka dhacay xaafado katirsan degmada Dayniile.

Nin askari ah oo xiran dareeska milatariga oo magaciisa lagu sheegay Micraaj kana tirsan ciidanka xoogga guutada 77, iyo wiilka kale oo lagu magacaabo Maxamed Cali Ganey, ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana raggan iyo kuwa kale oo baxsad ah ku eedeysan yihiin dil iyo dhac loo geestay Agaasimihii waaxda Dalxiiska Dayniile Cabdullahi Sheekh Ibraahim iyo dhaca dad kale.

Booliiska Dayniile, ayaa sidoo kale raadinaya askar kale oo qeyb ka ahaa raggii dilka iyo dhaca u geestay agaasimihii waaxda Dalxiiska degmada Dayniile, oo la dilay habeenkii Axada soo galeysay.

Raggan ayaa sawiradooda la helay markii ay ka soo muuqdeen Video ay isaga duubeen moobeel ay ka dhaceen wiil dhallinyaro ah oo degan Dayniile, mobelka ay dhaceen ayaa Apple ID-giisa meel kale laga furay, waxaana Snapchatka laga helay muuqaalada ay isaga duubeen.

Related posts

Xamse & wafdi uu horkacayo oo dalka ka dhoofay

Caydiid Ali

Trump oo cadaab ugu hanjabay kooxda Xamaas waqtina u qabtay

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay yihiin gaadiidka qalabeysan ee DF ku wareejisay 3 dowlad goboleed & G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---