Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka falceliyay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay Madasha Samata-bixinta ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaa oo kahor yimid sida ay ku socoto qaban qaabada gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan.
Axmed Fiqi, ayaa qoraal uu soo saaray ku duray siyaasiyiinta mucaaradka, waxa uuna sheegay in aysan jirin meel loo raaco, isaga oo tilmaamay in marna leeyihiin Madaxweynaha albaabada ayuu naga xirtay , marka gogol loo fidiyayna diidan yihiin in ay soo fadhiistaan.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samata-bixinta dhammaantood aysan dalka joogin, waxa uuna xusay in dalka dibadiisa ku ciid ayna bilaabeen in halkaasi kasoo qeyliyaan.
”Mar waxay leeyihiin madaxweynihii albaabada ayuu naga xirtay oo cidna la hadli maayo, markii gogol wadahadal loo fidiyayna waa diidan yihiin. Dalka dibadiisa ayay ku wada ciideen, oo Midkoodna dalka kuma ciidin halkaas ayayna warsaxaafadeed ka soo saarayaan!” ayuu yiri Axmed Fiqi.
Axmed Fiqi, ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka xafiisyada ajnabiga isku ciriirinayaan, waxa uuna intaasi ku daray in xafiisyada ajnabiga ku hor cabaadayaan marka madaxdii dalku ay casuuntana ka madax adaygayaan in ay aqbalaan casuumadda.
”Haddana dalka ayaan samatabixinaynaa ayay leeyihiin!.! Waa niman ayaga in la samatabixiyo u baahan!.! ayuu qoraalka uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya kusoo gunnaanaday.
Hadalka Wasiirka, ayaa imaanaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka mideysan ay diidan yihiin qaabka ay u socdaan abaabulka gogosha siyaasadeed uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, taa oo lagu wado in ay qabsoonto 15-ka bishan Juun.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com