Allbanaadir.com
NEWS

Kaalinte Somalia ka gashay dowladaha sida fiican ugu adeegay Xujeyda?

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta afaraad ka gashay dowladaha sida wanaagsan ugu adeegay xujeyda sannadkan.

Wasiirka ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay dadaal xooggan oo ay bixiyeen Wasaaradda Awqaafta iyo Madaxda sare ee dalka.

“Dowladaha ugu wanaagsan ee Xujeyda daryeela ayaan ka mid noqonay, abaalmarin ayaa nala siiyay,” ayuu yiri Wasiir Roobow, isagoo xusay in tani ay muujinayso horumarka iyo isbeddelka ka socda adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiir Mukhtaar Roobow waxa uu intaasi ku daray in abaalmarintan ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed oo dhan farxad u leh, maadaama Soomaaliya lagu abaalmariyay kaalinteeda muhiimka ah ee daryeelka Xujeyda Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa waxaa sanadkan ka baxay waajibaadka xajkana soo gutay dad gaaraya 11 kun oo qof kuwaasoo iskugu jira rag iyo haween ka kala yimid gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho.

Related posts

Somalia & Bankiga horumarinta Afrika oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Fartuun Max’ed “Maamul Jaaliyad sidiisaba ma ahan meel manfac & dan laga raadiyo”

Caydiid Ali

Ciidamada dowladda oo Muqdisho ka bilaabay xarig, caburin iyo cabsi gelin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---