Buug ay Nolosheeda ka qortay Haweeney Caan ah oo Malaayiin qof iibsadeen !!

Buug ay nolosheeda ka qortay Xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Michelle Obama ayaa noqday mid si waali ah loo iibsaday, waxaana buugan durba kasoo xarootay Malaayiin dollar.

Buugan oo la qoray shan bilood kahor ayaa hada noqday midka loogu iibsiga badan yahay dalka Mareykanka, waxaana buugan la shaaciyay in ay hada iibsadeen dad ka badan 10-milyan oo qof.

Thomas Rabe oo mas’uul ka ah shirkadda daabacada buugan ay qortay Michelle Obama ayaa sheegay in uu noqday kan hada loogu iibsiga badan yahay Gudaha Mareykanka, waxa uuna xusay in ay filayaan in uu noqdo buugan kii loogu iibsiga badnaa caalamka.

Shirkadda Nielsen oo la socota buugaagta ayaa sheegtay in buugga Michelle uu ku jiro kaalinta 11-aad , marka laga hadlayo 20-ka buug ee loogu iibsiga badanyahay ee xagga taariikh nololeedyada.

Marwadii hore ee Madaxweynihii hire Mareykanka ayaa buugan ka qortay waxyaabo badan oo nolosheeda kamid ah, waxaana waxyaabaha la xusi karo kamid ah dhibaatadii ay kala kulantay guurka Obama iyo habka caafimaad ay ku dhashay labadeeda gabdhood.

Shirkadda daabacaadda ee Bertelsmann ayaa sanadkii 2017-dii xaquuqda buugan uga iibsaday Michelle Obama aduun lacageed oo gaaraya  $60 milyan oo doolar, waxaana shirkada la filayaa in buugan ka hesho faa’iido badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -