Allbanaadir.com
NEWS

Sida foosha xun ee Imaaraadku u duleystay dalalka Afrika

Imaaraadka Carabtu waxayba jirtaa 54 sano. Waa dal yar oo ku fadhiya dhul 33,000 sq km ah. Dadkiisu aad bay u yar yihiin. Waana 10.4 million oo 88.5% dadku ay ajaanib yihiin. Dadka Imaaraadka ah ee Carabta ah tiradoodu kama badna 1.8 million. Waxayna 11% ka yihiin dadka kula nool Imaaraadka.

Ciidammada Imaaraadka Carabtu waa 6,5000 askari oo 40% ay yihiin ajaanib dalal kale u dhashay. In kasta oo ay taasu jirto, ayey Imaaraadku yihiin dad iyo dal gobolka iyo dunidaba saamayn ku leh. Saliid buu dunida u dhoofiyaa, wuxuuna si xun u isticmaalaa dhaqaalaha saliidda uga soo xarooda, isaga oo galaangal ku yeeshay Europe iyo America-ba.

Ilaa 2015, Imaaraadku wuxuu Africa iyo meelo kale ku hayaa qas iyo lab u muuqda qarqar-iska-tuur. Dhaqaalaha u kaydsan ayuu ku isticmaalaa dagaallo uu si hoose u wado oo ay dunidu u taqaan “soft power”. Imaaraadku,

Africa wuxuu ku sameeyaa maalgalin, wuxuuna gacanta ku dhigay marinnada badaha iyo dekedaha. Wuxuuna ku lug-leeyahay dagaallada isaga oo dhinaca dantiisu ku jirto taageera.

Arrimahaa waxaa u sahlay xiriirka difaac ee uu la yeeshay Maraykanka sanadkii 1994 iyo 2019 oo dib loo cusboonaysiiyey. Hubka laga iibsho Imaaraadka ka sokoow, Maraykanku wuxuu Imaaraadka Carabta ka dhigay saldhigga ugu wayn ee artificial intelligence. Waana tan ugu wayn ee Maraykanku ka dhiso meel ka baxsan Maraykanka dunida oo dhan.

Imaaraadku balaayiin doollar ayuu ku baxshaa sidii uu u noqon lahaa ama u sii xagsan lahaa inuu dunida ku maamulo AI. Imaaraadku gacan buu ku siiyey Maraykanka dagaalladii uu ka galay Afghanistan iyo Ciraaq. Labadii dal ugu horreeyey ee Carab ahaa ee Israa’iil la saxiixda Abraham Accords waxay kala ahaayeen Imaaraadka iyo Bahrain, marka laga reebo Masar oo Israa’iil la saxiixatay 1979 iyo Urdun oo Israa’iil la saxiixatay 1994.

Wiil yar oo curad ah sida loo koolkooliyo ayuu Maraykanku u koolkooliyaa Imaaraadka Carabta. Ugu yaraan 600 kambani oo Israa’iil ah ayaa jooga Imaaraadka Carabta. Inta badanna waxay u badan yihiin sirdoonno iyo technology.

Shirkadaha hubka sameeya ee Israa’iil, waxay bandhigyo ay hubkooda ku soo bandhigayaan ka sameeyaan Imaaraadka. Safaaradda ay Israa’iil ku leedahay Abu Dhabi waa safaaradda kaliya ee Bariga-dhexe ka furan oo si buuxda u hawlgasha, si buuxdana shaqaale aad u badan ay ka shaqeeyaan.

DP WORLD Africa.

Shirkaddan ma’aha shirkad dekedaha dhista ama daabulidda ka shaqaysa kaliya. Intaa way ka badan tahay. Waa shirkad danaha Imaaraadka ugu fulisa maalgalin iyo technology. Waxay dhiigmiirata Khayraadka Africa, iyada oo arrinkaa isku-qarinaysa horumarinta dekedaha, tamarta, beeraha, iyo sahminta macdaha. Gaar ahaan waxay culayska saartaa dalalka daciifka ah ee laga muraadsan karo sida Sudan, South Sudan, CAR, Congo, Xabashida, Chad, Somalia, Eritrea, iyo Djibouti.

Eritrea, Imaaraadku wuxuu ka dhistay saldhig military oo ah kii ugu horreeyey ee uu Imaaraadku ku yeesho dibadaha. Dekedda Cassab-na wuxuu kiraystay 30 sano. DP World halkan waxay ka dhisatay saldhig ay ugu xaraysan yihiin daroonnada marka uu hawlgallada ka fulinayo Yemen.

Gobolka Soomaaliyeed ee Puntland, Imaaraadku wuxuu qabsaday dekedda Boosaaso. Wuxuuna madaxda Puntland ka dhigay kuwo aan ka amar-qaadan dawladda dhexe ee Soomaaliya. Imaaraadka oo ku daaban Israa’iil waxay ka shaqaynayaan, in gobolka Soomaaliyeed ee Hargaysa u raadiyaan aqoonsi caalami ah, iyaguna ay gacanta ku dhigaan oo halkaa ay ka dhistaan saldhigyo military.

Berbera iyo Boosaaso, wuxuu Imaaraadku ka dhistay saldhig wayn oo sirdoonka qaabilsan.

Djibouti waa laga eryey, kaddib markii 2006 loo dhiibay dekedda Dooraale. Wuxuu damcay inuu ka dhisto saldhig military. Waana laga diiday. Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi siiyey Radio France Internationale (RFI, wuxuu ku tilmaamay maalgalinta Imaaraadka ee ah $110 billion in Abu Dhabi ay ku xadgudbayso Africa, ayna khatar ku tahay Africa.

Dahabka Sudan 80% isaga oo suuqa madaw ah ayaa loo diraa Imaaraadka. Wuxuuna taageeraa RSF. Yemen gabi ahaamba wuu burburiyey. Imaaraadku maanta wuxuu gacanta ku hayaa

Aden,  Mukalla, Shihr iyo dekedaha Hadhramaut iyo Mokha. Wuxuuna hadda qarka u saaran yahay inuu qabsado Jasiiradda Yemen ee Socotra.

Dagaalkii uu Abbey Ahmed ku qaaday Tigray, Imaaraadku wuxuu Addis Ababa siiyey daroonno, gawaarida dagaalka, APC-yo iyo hub kale oo ilaa maanta Xabashida ku qulqula. 2018, Imaaraadku wuxuu Xabashida siiyey lacag dayn ahayd oo $3 billion ah. 17 heshiis ayuu la saxiixday Abbey Ahmed oo ku saabsanaa maalgalin, technology, beeraha, iyo ganacsiga.

Imaaraadku wuxuu tababaraa Calooshood-u-shaqaystayaal ka jira meelo badan oo Africa ah. Wuxuuna beero ka samaystay dalalka Masar, Xabashida, Kenya, Madagascar, Morocco, Namibia, Sierra Leone, Sudan, Uganda, iyo Tanzania. Inta badan dano strategic ah ayuu ka leeyahay maalgalintaa.

Warbixin lagu qoray the Colombian newspaper La Silla, waxay daboolka ka qaadday sida Imaaraadku ugu lug-leeyahay laba gaas oo Milleteriga Colombia ah, askar hore uga tirsanaan jiray ciidammada Colombia oo dhammaantood la geeyey dagaalka ka socda Sudan.

Sida warbixinta lagu sheegay, in ka badan 300 askarta Colombia ah ayaa ku jira dagaallada Sudan. Qof kasta waxaa la siinayaa $2,600, halka sarkaal-xigeennada la siinayo $3,400 qofkiiba. Lacagtaa waxaa bixinaya Imaaraadka Carabta. Kambaniga Imaaraadka u xilsaaran oo askarta Colombia soo qora magaciisu waa  International Security Services Agency (A4AI).

Imaaraadku waxaa kale oo uu isticmaalaa Calooshood-u-shaqaystayaal Russia ah (Wagner Group). Hadda magacas waxaa loo beddelay Africa Corps. Waxaana loo xilsaaray inay hubka gaarsiiyaan RSF. Waxaa kale oo jira Calooshood-u-shaqaystayaal saldhiggoodu yahay Imaaraadka oo lagu magacaabo the

Black Shield. Waxay ka shaqeeyaan Libya iyo Sudan. Soomaaliya Calooshood-u-shaqaystayaasha jooga waxay ku xaraysan yihiin Garoonka Dayuuradaha Boosaaso iyo xarumo dhulka hoostiisa ah.

Related posts

Wax ka ogow Muhiimada Soomaaliya u leeyahay Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday

Cabdi Cade

Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho (Maxaa ka soo baxay)

Caydiid Ali

Somaliland oo Mamnuucday dibed baxyo la qabto nooc kasto ay yihiin (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---