Ciladii keentay bur burka Diyaaradii Ethopian Airlines oo la xalinayo

Tan iyo markii ay burburtay Diyaarada Ethiopian Airlines ayna ku dhintaan dhamaan Rakaabkii iyo Shaqaalaha saarnaa ayey biloowday shirikadda Boeing in baarto cillada saxda ah ee jirta diyaarada nuuceedu yahay Boeing 737 Max .

Diyaarad kale oo nuuceedu ahaa  Boeing 737 Max ayaa dhowr bil kahor ku bur burtay dalka Indonesia , waxaana shilkaasi sidoo kale ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo ku dhawaa 200-qof.

Waxaa la ogaaday labada diyaarad ay isku hal cillad qabsatay taas oo la xariirtay software u gaar ahaa Diyaaradaha Boeing 737 Max, qoraal ay soo saareen Gudiga baaritaanka waday ayaa ayaa sidoo kale isku mid ku sheegay cilada labada diyaarad.

Wadamo iyo shirkado badan ayaa joojiyay isticmaalka diyaaradaha Boeing 737 Max kadib markii laga cabsaday in cilada laga shakisan yahay ay ku timaado ayna ka dhalato khasaaro kale oo badan.

Dennis Muilenburg oo ah Maamulka shirkadda Boeing oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ogaadeen Cillada laga shakiga qabo isla markaan la hagaajim doono, waxa uuna cadeeyay in wax laga bedelayo cilada  sofware-ka ee diyaaradan ku shaqeyso.

” Aad ayaan ayeey shirakada u shaqeeysay, waxaana xooga saarnay hagaajinta Cillada lagu arkay iyo waxaana tabari donaa duuliyaasha oo dhan ” ayuu yiri Dennis Muilenburg mar uu Warbaahinta la hadlay.

Shirkada Boeing ayaa khasaaro badan iyo hoos u dhac la kulantay kadib markii la joojiyay inta badan isticmaalka Diyaaradaha  Boeing 737, waxaana arintan timid kadib shilkii diyaarada Ethopian Airlines ku yimid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -