Allbanaadir.com
NEWS

Masar oo xoojineysa howlgalka ciidankeeda ee Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly, ayaa sheegay in la kordhiyay howlgalka ciidanka Masar ee Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay in Qaahira ay siinayso arrimaha Afrika mudnaanta ugu sarraysa iyadoo ka shaqeynaysa wadiiqooyin ay ku dhiseyso iskaashi, xulafeysi, iyo la tacaalida khataraha suuragalka ah gaar ahaan iyadoo ay jirto xiisad kala dhaxeysa Itoobiya.

Madbouly oo  shir jaraa’id  qabtay kadib kulanka toddobaadlaha ah ee xukuumadda Masar ayaa waxa uu sheegay in uu Jimcihii la soo dhaafay booqday Uganda uuna kaga qeyb galay shir lagu gorfeeysay  xaaladda Soomaaliya,  gogol xaarna u ahaa  howlgal cusub oo Qaramada Midoobay & Midowga Afrika ay ka bilaabayaan  Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mudane Mustafa Madbouly, ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha bulshada.

Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay in ay sii wado deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, taasoo qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal

Related posts

Doorasho Xamaasad leh oo goordhaw ka dhacday magaalada Jowhar (Yaa ku Guuleestay)

Cabdi Cade

Weerar khasaaro geestay oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho

Cabdi Cade

Roob baraf wata oo ka da’ay qaybo ka mid ah Kenya iyo dadka oo hadal haya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---