Xuutiyiinta Yemen ayaa saaka weerar gantaalo ah ku qaaday magaalooyin ka tirsan dhulka ay Israel xoogga ku qabsatay, kuwaasoo qaarkood ka baxsaday nidaamka difaaca Israel.
“Waxaan weerarnay Saldhigga diyaaradaha ee Ramat David Air Base ee bariga Haifa, waxaana la beegsanay gantaalo ballistic ah, Gantaalada ayaa si guul ah u haleelay bartilmaameedooda iyadoo nidaamka difaaca Israel ku guuldaraysteen inay ka hortagaan” ayuu yiri Afhayeenka howgalada Xuutiyiinta Yemen oo goor dhaw faahfaahin ka bixinayay weerarkan.
Israel had iyo jeer wey qarisaa khasaaraha ka soo gaara weerarada ay ku soo qaadaan kooxaha xuutiyiinta Yemen.
Sidoo kale Xuutiga ayaa ku dhawaaqay howlgalo militari oo isdaba joog ah oo ay ku bartilmaameedsadeen markabka dagaalka Mareykanka ee USS Carl Vinson oo marayey badda Carabta iyo goobaha ay ciidamada Israel ku leeyihiin dhulka Yaffa iyo Asqalan ee la haysto.
Hawlgalladan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa jawaab celin u ah duullaanka Maraykanka ee Yemen iyo dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ku hayso Gaza.
War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka Yahya Saree ayuu ku sheegay in ciidamadooda UAV-gu ay fuliyeen howlgal militari oo ay ku bartilmaameedsadeen markabka USS Carl Vinson iyo maraakiibta dagaalka ee la socotay ee ku sugnaa badda Carabta iyaga oo adeegsanayey diyaarado badan.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu daba socday weeraradii hore ee lagu qaaday markabka USS Harry S. Sida lagu sheegay bayaanka, hawlgalkii hore ayaa sidoo kale lagu soo riday diyaarad dagaal oo F-18 ah.