Dood looga hadlayay Bangiyada Islaamiga ah iyo Kaalinta ay ku leeyihiin Bulshada oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

hir Cilmiyeedkii 1aad oo ay soo qaban qaabisay kulliyadda shareecada iyo Daraasaatka Islaamka ee Jaamacadda soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoolka weyn ee Jaamcadda Soomaaliya (University Of Somalia (UNISO), Shir Cilmiyeedkan ayaa looga hadlayay ” Bangiyada Islaamiga ah iyo Kaalinta ay ku leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed ”  waxaa maalgalinta shirka lahaa Salaam Somali Banka,  halka si toosa ay u tabineysay Mogadisho Cable TV.

Prof. C/laahi Maxamuud Maxamed “Dhagaco” madaxa xiriirka burshada oo daahfuray Shir Cilmiyeedka ayaa ka hadlay ujeedada jaamacada soomaaliya  ay ka leedahay shirarka  noocan oo kale ah, isagoo soo dhaweeyay Culimada, dakaatira, warbaahinta, ardayda,  ganacsatada iyo martisharafta kale ee  kasoo qeybgalay.

Dr. Maxamed Sheekh Axmed “Maxamed xaaji” ayaa ugu horeyn ka hadlay sababaha keenay in la asaaso bangiyada islaamiga ah, isagoo xusay wadamadii ugu horeeyay oo ay ka hirgaleen iyo waliba caqabidihii soo wajahay asaaskooda.

Sidoo kale .Sh. C/Razaaq Mucalim  Aadan oo kamid ah culimadii kasoo qeybgashay shir cilmiyeedka ayaa si qoto dheer u sharaxay muhimadda ay bangiyadda islaamiga ah u leeyihiin bulshooyinka islaamka ah gaar ahaan soomaaliya, iyo waliba kaalinta ay ganacsatadu ku leeyihiin kor u kaca iyo habsami usocodka bangiyada islaamiga ah.

Axmed Xaaji Maxamed “Axmed Imaam”  ayaa isaguna sharaaxaad buuxda ka bixiyay adeegyada kala duwan ee ay qabtaan bangiyada islaamiga ah gaar ahaan salaam somali bank sida “Muraabaxa, Mudaaraba iyo Mushaaraka, Halka uu tusaaleyn toos ah oo ku saabsan mid kamid ah adeegyadaas uu soo bandhigay madaxa maalgashiga salaam soomali bank Mr. Axmed Faarax Fiidow.

Ust. C/qaadir Maxamed Nuur “Amoola ayaa dhankiisa kala saaray qaababka ay u kala shaqeeyaan bangiyada islaamiga ah iyo kuwa ribada ku macaamila, Halka uu Mr.Axmed yuusuf cumar oo ah Kaaliyaha Xafiiska Waxbarashada ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) si qoto dheer uga hadlay kaalinta ay jaamacaduhu ku leeyihiin soo saarista aqoonyahanno iyo kawaadir fahansan kuna shaqeyn kara Nidaamka ay ku shaqeeyaan Bangiyada Islaamiga Ah.

Gabagabadii waxaa Shir Cilmiyeedka soo xiray Hormuudka Kulliyadda Shareecada iyo Diraasaadka Islaamka Ee Jaamcadda Somaaliya (UNISO) Dr. Axmed Jeylaani Sh. Maxamed (Mucalim Jeylaani), Wuxuuna mahadnaq balaaran u jeediyay maamulka jaamacadda soomaaliya, Maamulka Salaam Somali Bank, Culimada ka qeybqaadatay Shircilmiyeedkan, Ardada iyo macalimiinta kasoo qeybgashay, Martisharafta, Warbaahinta iyo cid waliba oo kaalin ka geysatay qabsoomidda shirkani, isagoo xusay in Kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda soomaaliya ay ugu tala gashay shir cilmiyeedkan iyo kuwo lamid ah oo u qorsheysan mustaqbalka dhaw ay noqoto mid lagu dardargalinayo sare u qaadida adeegga ay kulliyadda Shareecadu u heyso bulshada, isagoo sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in jaamacadda soomaaliya ay tahay minbar u furan dhammaan culimada soomaaliyeed,

Ugudanbeyntii Dr.Axmed Jeylaani ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay taabagaliyaha rasmiga ah ee Shircilmiyeedka “Salaam Somali Bank”, isagoo sidoo kale isla goobta ku gudoonsiiyay shahaado sharaf “Mogadishu Cable Tv” oo kaalin wayn ka geysatay tabinta Shir Cilmiyeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -