(Sawirro) Axmed Madoobe oo abaal marin u bixiyey gaadiid cusub & kumanaan Dollar

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa masjidka Madaxtooyada kusoo xiray tartanka quraanka kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadan.

Tartankan oo ay sanadkii 13aad oo xiriir ah ay qabanayso Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa Madaxweynuhu uu abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay guulaystayaasha sanadkan.

Maxamed Salmaan Saalax oo kaalinta koobaad ka galay tartanka 30ka jus ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu ku abaalmariyay gaari Toyota Surf ah

Farxaan Cabdirasaaq Maxamed oo 30ka jus ka galay kaalinta labaad ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam gudoonsiiyay gaari Toyota Succeed.

Ayuub Cabdulaahi Cumar oo kaalinta sadexaad ka galay tartanka 30ka jus ee quraanka kariimka ah ayaa Madaxweynuhu uu gudoonsiiyay  $4,000 oo dollar.

Maxamed Axmed Maxamed oo kaalinta koobaad ka galay tartanka quraanka kariimka ah ee 15ka jus ayaa Madaxweynuhu uu gudoonsiiyay gaari suzuki Alto.

Hinda Cabdi Dirow oo kaalinta labaad ka gashay tartanka ayuu Madaxweynuhu ku abaalmariyay $3,000 oo dollar.

Maxamed Cabdi Deeq oo galay kaalinta sadexaad ayuu Madaxweynahu ku abaalmariyay $2,000 oo dollar.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Wasaaradda diinta iyo Awqaafta iyo Mu’asasada Al ummah oo si wadajir ah sanadkii 13aad u qabtay tartanka quraanka kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

- Advertisement -