Qarax Khasaaro geestay oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa caawa qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ku dhaawacmay labo ruux uu la socday qaraxa gaariga lagu xiray.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa gaariga lagu xiray waxaa la socday Sargaal katirsan ciidanka booliiska gaar ahaan laanta Dambi baraista CID-da oo lagu magacaabo Xarbi Dhagey iyo sidoo kale Daahir Xuseen Tabliiq oo soo noqday Gudoomiyaha Dayniile iyo Wasiirka Gaadiidka ee Galmudug.

Labadan ruux ee ku dhaawacmay qaraxa gaariga ayaa la geeyay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana dhaawaca Daahir Tabliiq lagu sheegay mid sahlan halka sargaalka uu xoogaa yara culus yahay.

Qaraxyada gaadiidka loogu xiro saraakiisha iyo shaqaalaha dowlada ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, qaraxan oo kale ayaana dhawaan waxaa ka bad baaday sargaal katirsan Ciidanka booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -