Israa’iil oo ayaa xalay weerartay bartilmaameed ku dhow qasriga Madaxtooyada ee Dimishiq isla markaana dirtay farriin hanjabaad ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa saacadihii hore ee subaxnimada Jimcaha sheegay in ciidamadiisu weerareen bartilmaameed ku dhow qasriga madaxweynaha ee caasimadda Suuriya, isagoo mar kale ku celiyay ballantiisa ilaalinta xubnaha ka tirsan bulshada Druz.
Tani waa markii labaad ee Israa’iil ay weerar ku qaaddo Suuriya laba maalmood gudahood, kadib markii ay ballan qaadday inay difaacayso bulshada Druz.
Weeraradaani waxay muujinayaan caqabado dheeri ah oo hortaagan dadaallada Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Ahmad al-Shara, ee ku saabsan ballaarinta xukunkiisa dalka ay dagaalladu burburiyeen.
Netanyahu ayaa qoraal ay si wada jir ah u soo saareen isaga iyo Wasiirkiisa Gaashaandhigga, Yisrael Katz lagu yiri “Israa’iil waxay weerar hawada ah ku qaaday xalay agagaarka qasriga madaxweyne ee Dimishiq.”
Waxa uu intaas ku daray “Tani waa farriin cad oo ku socota nidaamka Suuriya “ma oggolaan doonno in ciidamada (Suuriya) ay ku fidaan koonfurta Dimishiq ama ay halis u noqdaan bulshada Druz.”
Farriintan ayaa macnaheedu lagu fasiray haddii aadan noo fulin waxyaalaha aan kaa doonayno adiga ayaanu ku beegsanaynaa marka dambe.