Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Markii u horeysay diiday qaraar ka dhan ah Ruushka

Mareykanka ayaa markii u horreysay ka soo horjeestay qaraarka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee laguĀ  cambaareynayay duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Wuxuu la saftay Ruushka, isagoo ka soo horjeestay xulafadiisa reer galbeedka, tan oo loo qaadanayo isbeddel yaab leh, kaddib sannado uu dhaqaale badan Mareykanka ku bixinayay dagaalka, hadda wuxuu la safan yahay Ruushka.

Soomaaliya, waxay ku jirtay dalalkii cambaareeyay duullaanka Ruushka, halka ay qaraarkan ka soo horjeesteen dalalka kala ah Russia, Mareykanka, Belarus, Hungary, Israel, North Korea, Nicaragua, Central African Republic iyo Burkina Faso

Isbeddelka Mareykanka iyo inuu la saftay Ruushka ayaa ku soo aadday xilli Mareykanka uu wada-xaajood kula jiro Ruushka, si dagaalka loo joojiyo, halka Trump uu hadallo ka dhan ah joogteeyay Madaxweynaha Ukraine

Isbeddelka wuxuu muujiyay inaysan jirin cid khaldan si kasta oo duullaan dhul loogu qabsado, taas beddelkeeda khaladka iyo saxnaashaha waxa u dhaxeeya waa danaha dalalka xoogga leh

Marxalada Ukraine ayaa sidoo kale daahqaadaysa masiirka uu dal walba la kulmi karo haddii aysan jirin awooddiisa looga baaqsanayo inuu la kulmo duullaan, mana jirto shuruuc xilligan ay dalalka isku haleeyaan oo ilaalin karta

Related posts

Trump oo amaan fara badan huwiyey dhigiisa Turkiga iyo sababta keentay

Caydiid Ali

Rabshado khasaaro dhaliyay oo ka dhacay magaalada Bristol (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shaqsiyada Ninkii laayay ardayda iskuulka Florida oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---