Shan askari oo boolis ah ayaa lagu dilay deegaanka Rakei oo ka tirsan Keymaha Boni ee gobolka Lamu ee dalka Kenya ka dibh iska horimaad halkaas ka dhacay
Saraakiisha Kenya ayaa sidoo kale sheegay in halkaas lagu dilay 8 kale oo ka tirsan Al-Shabaab.
Sida uu sheegay taliyaha booliiska Lamu Wesley Koech, wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan kooxdan ay isku dayeen inay ka gudbaan xadka Bodhei-Lamu iyaga oo sii maray Gaarisa ka hor inta aysan la kulmin askarta booliska ah ee ay iska hor yimaadeen
Iska horimaadka kadib ayaa saraakiisha dhaawaca ah oo ay wehliyaan meydadka askarta dhimatay waxaa loo duuliyay magaalada Nairobi.
Dhacdadan ayaa ka dhacday meel 3 KM u jirta Lamu, iyadoo Guddoomiye Koech uu qiyaasay in Al-Shabaab ay doonayeen inay ka gudbaan xadka si ay weeraro uga geystaan
Wuxuu uga baaqay Kenyaanka inay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay ka shakiyaan oo uga imaanaya dad aan la aqoonsan oo ka tirsan bulshada dhexdeeda.