Halis lasoo daristay Qoyska Wiil yar oo la kulmay Lionel Messi (Daawo Sawirada)

Wiilkii reer Afghanistan ee caanka ka noqday dunida isla markaana bacda ka sameysay maaliyadda Lionel Messi ayaa lagu qasbay isaga iyo qoyskiisa iney isaga qaxaan dagmada Jaghori kadib weeraro ay halkaasi ka geysteen ururka Taliban.

Wiilkaan yar ayaa qabsaday dunida laba sanadood ka hor kadib markii la sawiray isagoo xiran bac ku kalar ah maaliyadda Argentina, waxeyna taasi sababtay in warbaahinta dunida iyo baraha bulshada aad loogu hadal qaado, haatanse isaga iyo qoyskiisa wey isaga qaxeen Jaghori oo aheyd ka hor weerarka meelaha ugu nabdoon ee Afghanistan.

Si kastaba da’yarka waxaa lagu qasbay inuu ka cararo maaliyadii saxiixneyd oo uu ka helay Lionel Messi, kadib markii ay si lama filaan ah uga carareen weeraradii ay Taliban ka geysteen halkasa, haatan Murtaza waa guri la’aan wuxuuna la hadlay warbaahinta gudaha dalkiisa.

“Waan u xiisay gurigeena Jaghori, ma heysto kubad aan ku ciyaaro, banaankana uma bixi karo si aan u ciyaaro kubadda” ayuu yiri Murtaza.

Isagoo murugoonaya ayuu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan uga soo tagay Jaghori, waana awoodi waayay inaan soo qaato”

“Sababtoo ah guriga waxaan kasoo tagnay xilli habeen ah, hooyo ayaana ii sheegtay inaan isaga tago banooniga iyo funaanadaba”

Dhinaca kale walaalka ka weyn oo lagu magacaabo Humayoon Ahmadi ayaa shaaca ka qaaday sida ay isku badashay noloshooda tan iyo markii uu wiilka yar la kulmay Lionel Messi, wuxuuna aaminsan yahay iney cabsi hor leh soo food saartay sidoo kalana dadka ay ka aamineen iney dhaqaalo ka heleen xiddiga reer Argentina

Sidoo kale Humayoon Ahmadi wuxuu qiray in Murtaza uusan iskuulka ku laaban kadib la kulankiisa Lionel, sababo dhanka cabsida ah darteed”

“Kadib marka uu Murtaza kula kulmay Messi wadanka Qatar, xaaladda waxey noqotay mid cakiran”

“Waxaan ku nooleyn cabsi, sababtoo ah dadka nagu hareereysan waxey ku fakareen in Messi uu nasiiyay lacag badan”

“Sababahaas oo dhan, waxaan ka cabsanay in la afduubto, waxaana lagu baaqi yeelay guriga, laba sano looma dirin iskuulka”

Murtaza iyo qoyskiisa waxey rajeynayeen iney magan-galyo siyaasadeed ka helaan Mareykanka kadib la kulankii Messi, balse nasiib xumo waa lasoo diiday codsigooda.

Qoyska hadda waxey ku tiirsan yahiin hay’ado aan dowli aheyn si ay u badbaadaan, waxeyna rajeynayaan in Messi uu kasoo baxo ballantii uu ka qaaday wiilka.

“Messi wuxuu ii sheegay marka aad weynaato, wax walba waan xalin doonaa” ayuu yiri Murtaza, sidoo kalana wuxuu ka dhawaajiyay ineysan wada hadlin kadib maalintaas iyadoo xaaladiisa ay tahay mid sii xumaaneysa.

W/Q Abdirashid Mohamud “SHarDinHO”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -