Boqolaal ka tirsan ardayda dugsiyada Sare oo booqday Jaamacadda Benaadir (Daawo Sawirro)

Arday Boqolaal gaareysa oo wax ka barata qaar ka mid ah dugsiyada Sare ee gobolka Banaadir ayaa booqday xarunta kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacadda Banaadir oo ku yaalla degaanka km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Booqashada ardaydan ayaa qeyb ka ah soo dhoweyn iyo bandhig aqooneed (Faculty fair) soconaya afar cisho oo ay Jaamacadda Benaadir u sameyneyso qaar ka mid ah ardayda ka baxeysa iskuulada sare ee gobolka Benaadir sanad dugsiyeedka 2018-2019, iyadoo qorshuhu yahay in mudadaas ay jaamacadda booqdaan illaa 3 kun oo arday.

Xaflad lagu furayey bandhigan oo lagu qabtay xarunta Jaamacada ee Km-13 ayaa waxaa ka qeyb galay ardayda ka sokow xubno ka tirsan Maamulada Jimciyadaha iyo dugsiyadaha Muqdisho, Masuuliyiinta iyo hormuudyada Jaamacada Benaadir qaarkood iyo xubno kale, iyadoo khudbado kala duwan laga jeediyey.

Gudoomiyaha Jimciyada iskuulada ee Maka Al-Mukarama C/qaadir Maxamed Xasan oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in jimciyadu ay xiriir joogto ah la leeyahay Jaamacada Benaadir ayna hadda wax ka bartaan Jaamacada arday fara badan oo horey uga baxay iskuulada jimciyada hoos yimaada, wuxuuna ka mahad celiyey sida isaga iyo ardaydiisa loogu soo dhoweeyey Jaamacadda.

C/qaadir Maxamed Xasan ayaa intaa ku daray in maadaama Jaamacadda Benaadir ay ka mid tahay Jaamacadaha ugu tayada fiican dalka inay u dooreen ardaydan dhameysatay dugsiga sare, si ay mustaqbal fiican oo la isku haleyn karo u yeeshaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Biday ayaa isna munaasabada ka sheegay iney farxad u tahay soo dhoweynta ardayda dugsiyada sare ee higsaneysa mustaqbalka iney ku soo biiraan Jaamacadda, isagoo dhinaca kale ardayda warbixin ka siiyey xiliga la asaasay Jaamacada, marxadihii kala duwanaa ee ay soo martay, qaabka ay uga socota waxbarashada, kuliyaddaha ay ka kooban tahay iyo macluumaad kale oo Jaamacadda la xiriira.

“Jaamacada Banaadir waxaa asaasay aqoonyahano Soomaaliyeed sanadkii 2002 markii ay arkeen baahida loo qabo in la helo Jaamacad tayo leh, 30 arday iyo guri kiro ah ayaa lagu bilaabay, maantana waxaa wax ka barta arday kumanaan gaareysa, kumanaan kalena wey ka qelin jebiyeen kuwaasoo ka shaqeeyo meelo kala duwan, waxay leedahay Jaamacadu Cambus weyn, isbitaal casri ah, maktabad ay yaalaan tobanaan kun oo buug, kuliyad walba oo ka mid ah 11-ka kuliyadood ee jaamacada waxay leedahay xarun u gaar ah, waxayna bilowday waxbarashada heerka labaad ee Masterka oo qeybo badan leh, iyadoo la kaashaneysa Jaamacado caalami ah” ayuu yiri Dr. Biday oo intaas ku daray in Jaamacadu ay heysato aqoonsi caalami ah ayna tahay Jaamacada kaliya ee ay ku mideysan yihiin aqoonyanadii ka baxay Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo u balan-qaaday ardayda soo doorata iney heli doonaan aqoon tayo sare leh oo ay aayi doonaan mustaqbalka.

Waxa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay guddoomiyaha Mu’asasada tacliinta sare ee Banaadir oo Maamusha Jaamacada Dr. C/lllaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo sheegay in xiliga ardaygu ka soo baxo dugsiga sare uu yahay xiliga ugu dhibka badan ee uu kala dooranayo Jaamacada uu ku biiri lahaa si mustaqbal wanaagsan uu u yeesho.

“Sidaas awgeed waxaan bandhigan u qabanay inaan ardayda ka baxeysa dugsiyada sare ee dalka macluumaad ka siino Jaamacada Benaadir iyo qaabka ay u howlgasho taasna waa qeyb ka mid ah mustaqbalka iyo doorashada ardayda si isagoo qanacsan jaamacada uu rabo uu ugu biiro” ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaas ku daray in ardayga isagoo aan macluumaad ka heysan Jaamacada uu wax baran lahaa ay Mugdi iyo shaki gelineyso mustaqbalkiisa, wuxuuna ku booriyey ardayda macluumadka laga siiyey jamacada Banaadir inuu qeyb ku yeelan doono go’aanka ay ka gaari doonaa jaamacada ay ku biiri lahaayeen.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas hadalo isugu jiray soo dhoweyn iyo Guubaabo ka jeediyey Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada Benadir ahna hormuudka Kuliyadda shareecada iyo Qaanuunka C/raxmaan Xasan Cumar, Hormuudka Kuliyada Beeraha ee Jaamacadda Benaadir Maxamed Shiikh Cabdi iyo xubno kale.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Jaamacada Benaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday iyo gudoomiyaha Mu’asasada Dr. Bushkuleeti ayaa si wadajir ah xariga uga jaray Sheybaarka kuliyadda handasada iyo Teknolojiyada ee Jaamacada Benaadir oo ah kii ugu horeeyey noociisa ee dalka laga hirgeliyo, ayna ku baxday lacag aad fara badan, waxayna Gudoomiyaha iyo Masuuliyiinta la socotay ku soo wareegeen qeybaha sheybaarkan oo ah mid casri ah, iyadoo warbixino ku saabsan qaabka uu shaqeynayo sheybaarkan ku siinayey Hormuudka kuliyaddan Eng. C/qaadir C/llaahi Caraaye.

Gudoomiyaha Jaamacada Benaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadan ayaa sheegay in dedaal badan ka dib ay ku guuleysatay Jaamacadu hirgelinta sheybaarkan oo uu sheegey inuu muhiimad gaar ah u leeyahay ardayda kuliyadda handasada & teknolojiyada wax ka barata, isagoo dhinaca kale ugu baaqay shirkadaha dhismaha ee dalka iney ka faa’ideystaan ayna gacmo furan ku soo dhoweynayeaan, maadaama uu howlahooda muhiim ah u yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -