Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Fagaare kuyaala degmada Ceelbuur ku toogatay Maxamed Jiinow Jimcaale

Xarakada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxa ay ku toogteen nin lagu eedeeyay in bishii ramadaan gudaha degmadaasi dil ugu geestay nin kale oo dadka deegaanka kamid ahaa.

Maxkamada Al Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku riday Maxamed Jiinoow Jimcaale oo gudaha degmada Ceelbuur ku dilay nin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Cali.

Ehelada marxuunka uu dilay Maxamed Jiinow ayaa maxkamada ka codsaday in xukun dil ah loogu fuliyo gacan ku dhiiglaha, waxaana la sheegay in ehelada ninka horey loo dilay ay diideen in ay qaataan Diyo.

Fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay ninkan dilka geestay ayaa waxaa isugu soo baxay qaar badan oo kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Ceelbuur iyo sidoo kale dagaalyahano iyo saraakiil katirsan Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo safka hore ka gashay dalalka xukunka dilka ah fuliya

Cabdi Cade

Xubno ka tirsana Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka darawiishta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo uga digtay Odayaal kasoo jeeda Galmudug Qorshe Al Shabaab diyaarinayaan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---