Casho Sharaf Hargeysa loogu sameeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somalilad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa casho-sharaf ku maamuusay  wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed iyo wafdi la socday oo safar shaqo shalay ku tagay Hargeysa.

Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea iyo wafdiga la socday ayaa xalay ku hoyday magaalada Hargeysa, waxaana wafdigan Madaxtooyada Somaliland loogu sameeyay casho sharaf lagu maamuusayay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa wadahadal shalay Madaxtooyada uu ku leeyahay Hargeysa kula qaatay wafdiga ka socday dalka Eritrea, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arimo badan oo ugu muhiimsanaa iskaashi dhax mara.

Safarka uu ku tagay magaalada Hargeysa Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu halkaas ku tago, waxaana safarkan muujinayaa gal galka iyo saameynta ay dowlada Eritrea ku doneyso in ay ku yeelato geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -