Suldaan Cabdi Qawi “ Waxaa ku talinayaa in aan  Dalkaan Dagaal Dambe loo Horseedin”

Kulan si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Odayaasha Dhaqanka, Cuqaal, Salaadiin iyo wax garad ka tirsan Beesha Maxamuud Hiraab ayaa ka dhacay Magaaladan Muqdisho.

Kulanka ayaa ugu horeynba Hadal ka soo jeeday Sulddaan Cabdiqawi Qaasin Shirwac oo ugu horeynba Xukuumadda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ku amaanay wax qabadkeeda iyo dadaalkii ay u gashay sidii la isugu keeni lahaa Shacabka Soomaaliyeed.

Sulddaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in kastoo Xukuumaddu dadaal badan ay muujisay haddana ay jiraan waa siduu hadalka u yiriye Musuq Maasuq  ka sokow Hay’adaha Saameeyay Duubabka Soomaaliyeed isagoona Xukuumadda ka codsaday in arrimahaas wax laga qabto.

Sulddaan Cabdiqawi ayaa farta ku fiiqay in ay jiraan Shakhsiyaad doonaya in Nidaamkii Qabiilka dib loogu laabto si Magaalada Muqdisho oo ah meesha ay taalo Hantida Soomaaliyeed isla markaana Soomaalida oo dhan in Dagaal laga huriyo si dib loogu noqdo burburkii iyo qaxii Dalkan soo maray isagoona arrintaa ka digay.

Ugu danbayntii ayuu Suldaanku Sheegay in arrimaha Soomaalida ay masuul ka yihiin Duubabka Soomaaliyeed sidaa darteedna loo baahan yahay in arrintaa lagala tashado Duubabka oo aan Siyaasiinta wax laga weydiin

Sidoo kale waxaa isaguna halkaa ka hadlay Nabadoon Maxamed Cusmaan Suudi oo sheegay in kulankan uu ahaa mid looga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo tan Beesha Beesha Maxamuud Hiraab .

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaa ka hadlay  Nabadoon Maxamed Xaashi Faarax iyo Xubno kale kuwaasoo dhamaantooda muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin guud ahaan Dib u heshiisiin iyo wixii khilaafaad ah ee jira in wada hadal lagu dhameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -