Ciidamada Kenya oo saakay isaga baxay Deegaan Istaraatiiji ah iyo Al Shabaab oo la wareegtay

Warar goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM saakay aroor hore isaga baxeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo .

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in saakay mar qura ka warheleen ciidanka Kenya oo isaga guuraya saldhigii ay ku lahaayeen deegaan Buusaar , waxa ayna ciidanka Kenya aadeen dhinaca degmada Ceel Waaq.

Wali lama oga sababta ay ciidamada Kenya uga baxeen deegaanka Buusaar oo ah deegaan istaraatiiji ah oo goobo badan isku xira, waxaana deegaankan qabsashadiisa markii hore laga maray dhibaato badan.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaano aan ka fogeyn Buusaar ayaa lagu soo waramaaa in durba galeen deegaankaasi gaar ahaan saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa dhawaan sidan oo kale uga baxay deegaanka Faax faaxdhuun ee gobolka Gedo, waxaana deegaankaasi iyana la wareegay oo hada gacanta ku haya dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -