Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka horumarinta iyo isku xirka Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey shirka horumarinta iyo isku-xirka Afrika (Africa Now) ee ka socda magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Farmaajo ayaa sheegay in Somalia ay ka mid tahay dalalka ugu horeeya ee saxiixi doona heshiiska ganacsiga xorta ah ee Qaarada Afrika.

Khudbadda madaxweyne Farmaajo ayaa ku saabsaneyd xaaladda Soomaaliya, wuxuuna shirka u sheegay in Soomaaliya ay soo martay xaalad adag, iyadoo hadda kasoo kabaneysa dagaallo sokeeya oo in badan oo dadkeeda ka mida ka dhigay barakacyaal iyo qaxooti ku baahsan caalamka.

Wuxuu sheegay inuu dhammaaday waqtigii wax waliba laga sugi jiray dowladda inay qabato, taasoo ka muuqata Soomaaliya, dadka qaxootiga ama barakacayaasha ahna aysan ka reebaneynin inay horumar iyo ganacsi sameeyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka Kampala u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo inay Soomaaliya ka mid tahay dalalkii ugu horeeya ee saxiixaya heshiiska ganacsiga xorta ah ee Qaarada Afrika (Continental Free Trade Area) si wax ula qabsadaan dowladaha ay ood wadaagta yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -