Laba xildhibaan oo Maraykan ah ayaa Khamiistii shalay warqad u diray safiirka Soomaaliya ee Washington iyagoo ka dalbaday in dalkiisu ka noqdo go’aankii ahaa inuu mamnuuco dadka haysta baasaboorka Taiwan.
Sida lagu baahiyey shabakada Taiwannews Xildhibaannada Tom Tiffany iyo Andy Ogles oo warqad u diray safiirka Soomaaliya ee Maraykanka, Daahir Xasan Carab, ayaa sheegay inay ka xun yihiin go’aanka Somalia ee ahaa in baasaboorada Taiwan laga dhigo kuwo aan sharci ahayn.
Xildhibaannadu waxay sheegeen in go’aankan uu Soomaaliya ku dirqiyay Shiinuhu.
Xildhibaannadu waxay ka digeen in falkan uu keeni karo “ciqaabo daran oo ka dhan ah” Soomaaliya iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa haysta “sharciyada Ku-meelgaadhka ah” Waxay ku hanjabeen tallaabooyinka aargudasho ah ay ka mid noqon doonaan in fiisaha Soomaaliya ciddii sidata lagu celin doono Soomaaliya.
Labadaas Xildhibaan waxa ay sheegeen in ay suurtogal tahay in Maraykanku joojiyo gargaarka uu siiyo Soomaaliya ama uu aad u hoos ugu dhigo
Xubnaha Sharci dejinta ee Warqaddan u diray Soomaaliya ayaa cuskanaya xeer uu Maraykanku soo saaray sannadkii 2020-kii kaas oo dhigaya in Maraykanku tallaabo ka qaado cid kasta oo ka hor timaadda danaha dawladda Taiwan.
Soomaaliya oo aad uga carootay xiriirka sii koraya ee u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland ayaa dhowaan joojisay inay Soomaaliya yimaaddaan dadka haysta dhalashada Taiwan taasoo uu Maraykanku ku tilmaamay mid meel ka dhac ah oo Soomaaliya ku raalli gelinayso dalka Shiinaha.
Lama oga waxa ay xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud kaga jawaabi doonto hanjabaadda culus ee kaga timid Washington taasoo ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya doonaysay in ay wanaajiso xiriirka ay la leedahay dalka Maraykanka oo taageero badan siiya.