Raisul Wasaare Khayre & Wafdigiisa oo loo dalxiis geeyey degaanka Goob-weyn (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa Degaanka Goobweyn ku marti qaaday Ra”iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa booqashada ku jooga Jubbaland.

Masuuliyiintan ayaa ku soo dalxiisay degaankan oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, iyagoo halkaas joogay saacado kooban, waxayna la kulmeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Goobweyn oo ah degaan ku macaan dalxiiska iyo tanashlaha ayaa h meel aad u qurux, badan, waana halka ay iska galaan webiga Jubba iyo badweynta India, waana degaan caan ku ah beeraha iyo kalluumeysiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -