Faahfaahin laga bixiyey dagaalo Al-shabaab iyo Daacish ku dhexmaray gobolka Bari

Tuulooyinka ku teedsan oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari ee Punland ayaa isgaarisiintu ka go’nayd muddo 21 cisho ah, kadib markii halkaas uu dagaal ku dhexmarayey ururada Al-Shabaab iyo Daacish.

Ma jirto cid xog dhab ah ka haysa khasaaraha labada dhinaca ee halakaas ku dagaalamay.

Guddomiye ku-xigeenka degmada Qandala ee gobolka Bari, Cabdikhaaliq Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in dagaalkii ugu danbayey uu saddex maalin ka hor ka socday dhulka Buuralayda ah ee degmada Qandala u jira 200 Km.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qoysaskii degaanadaas ku noolaa ay intooda badan barakaceen markii ay ka baqeen inuu saameeyo dagaalka goobahaas ka socday.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaaladan u dambeeyey oo daba socda dagaalo horey isla degaanadan ugu dhexmaray labada dhinac.

Al-shabaab ayaa horey ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah xoogaga kooxda Daacish ee Somalia oo intooda badan horey uga goostay Al-shabaab, waxaana labada kooxood ka dhexeeya loolan dhinaca awooda ah inkastoo ay leeyihiin hal cadow oo ah ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -