Allbanaadir.com
NEWS

Damiir Lumay iyo Dalaal Siyaasadeed oo la degay Dadnimadii Karanle !

Siyaasadda soomaalida & awood qaybsiga 4.5 Waxay hoos u dhigtay shucuub, halka ay kor uqaatay kuwo kale, saamaynta Matalaaadda ku dhisan beellaha waxay ciishay laba qolo kuwaasoo kala ah , Kuwo lagu daray (.5) oo sidaas looga dhigay shucuub aan lahayn miisaan siyaasadeed oo ku dhisan deegaan & tayo, waxaa jira qolo labaad oo aan kamid ahayn (.5) balse matalaad xumida dadka siyaasadda kumatalo kadhigeen dad Laqiimo ah (.5) .

Beesha Karanle waxay kamid tahay beelaha ugu badan deegaan ahaan Caasimadda Muqdisho, Gobolada dhaxe & Gobolada Koonfureed, hasa ahaatee waxaad malaysaa in aysan lahayn matalaad Muuqata iyo qiyaam u dhigma soohdinteeda dhuleed, bulsho & taariiqda halganka qaybta lixaad ay kulahayd.

Shaki kuma jiro in deegaan walba & dad walba u ekaanayaan sida uu uyaalo matalaaddooda, mar walba waxay ku xiran tahay saamaynta bulsho walba awoodda dadnimo & karti ee dadka kumatala siyaasadda, darxumida & diifta ka muuqata bulshada ku abtirsata Karanle waa mid aas aaskeedu yahay xulasho xumida hogaanka matalaadda, beel walba & deegaan walbana waxa uu uyaalaa Muuqaalkooda sida ay yihiin dadka matala .

Hogaanka jilicsan waxa uu sababaa jileec dhan walba ah, halka hogaanka adag uu sameeyo isbadalo horumarineed oo dhanka bulshadiisa iyo deegaankiisa ah, sidaa awgeed waxaa la gudboon beesha Karanle in ay iska saxaan khaladaadka sababay in noqdaan bulsho ka dambaysa dhinac walba bulshooyinka ay ood wadaagga yihiin, raadisaana Mustaqbalka hogaan kumatali kara herdan siyaasadeed & kan bulsho ee maanta soomaaliya wax kuqaybsato.

W/Q Siciid Cabdi Faarax Qalable

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir ay ka qeyb galayaan Kheyre iyo Shariif Xasan oo Muqdisho ka socda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Korontada oo dhibaato badan ku haysa dadka ku nool Magaalada Muqdisho !!

admin

Buug uu qoray Shakespeare oo lagu iibiyey lacag ku dhaw 10 malyan oo doolar !!

Cabdi Cade